Nabi Ibraahiim NNKH

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Nabi Ibraahiim C.S wuxuu ahaa saaxiibkii Eebbe, waana mid ka mida shanta rusul ee ugu wanaagsan. Nebi Ibraahin wuxuu ahaa saaxiibkii Eebbe, waana mid ka mida shanta rusul ee ugu wanaagsan Eebbe agtiisa, wuxuuna ka dhigey rasuul, wuxuuna ka doortey uun badan oo Eebbe abuuray. Nebi Ibraahin waxaa loo soo direy dad caabuda xidigaha oo uu la noolaa, wuxuuna dadkiisii ugu yeeri jirey iney Eebbe keligiis caabudaan, hase ahaatee wey beeniyeen. Waxayna isku dayeen iney gubaan, Eebbe ayaana ka badbaadiyey. Eebbana wuxuu wiilashiisii Ismaaciil iyo Isxaaq ka yeelay nebiyo. Waxayna nebi Ibraahin iyo wiilkiisii nebi Ismaaciil wada dhiseen Kacbada.